War Deg Deg Ah:Xukumada Abiy Axmed Oo Qarka U Saaran in La Rido iyo Mudaharaad Sababay Dhimasho Badan oo Socda,

Waxaa sii xoogeystay Dibad baxyo Rabshada wata oo ka socda gudaha dalka Itoobiya kaasi oo faahfaahin laga helayo.

Dibad baxyadan oo ay dhigayaan Kumanaan ruux Itoobiyaan ah oo u badan Qowmiyadda Oromada ayaa looga soo horjeedaa R/wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya Abiy Ahmed.

Inka badan Toban ruux oo Itoobiyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dibad baxyo xoogan oo ka dhacay Magaalada Harar ee dhacda Bariga Dalka Itoobiya iyo Degmada Adama ee iyaduna dhacda Galbeedka Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa.

Saraakiil ka tirsan Booliska Dowladda Xabashida Itoobiya oo la hadlay Warbaahinta ayaa qiray iney goobo kala duwan oo ka tirsan Dalka Itoobiya ay ka socdaan Dibad baxyo xoogan oo looga soo horjeeda R/wasaaraha Itoobiya islamarkaana Askarta ay toogasho ku dileen tiro dad shacab ah oo qeyb ka ahaa Dadka Dibad baxyada dhigayo.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa marba marka kasii dambeysa Madaxa lasii galeyso Xaalado hordhac u ah Burbur ku yimaada dowladda Itoobiya, Iyadoo dhowr jeer R/wasaaraha Itoobiya uu ka badbaaday Isku dayo la doonayay in isaga lagu dilo ama xilka looga tuura.

 40 total views,  1 views today