Dega Deg:Khalkhal Galay Wasaarada Arrimaha Dibada Sacuudiga

Muddo ka yar sanad waxaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga isu weydaartay sadex wasiir.

Waxa hadda loo magacaabay Xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Alsacuud oo qoyska guud ee reer Alsacuud ah.

Wuxuu dhashay 1974kii, waa dublumaasi hore uga soo shaqeeyey safaaradaha Sucuudiga ee Washington kana ahaa la taliye sare, waxa kale oo uu hadda ahaa safiirka sacuudiga ee Jarmalka, wuxuu ku hadlaa Afafka Ingiriisiga iyo Jarmalka.

Wuxuu ka mid ahaa markuu Washington joogay raggii lagu eedeeyey in ay Jamaal Khashaqji ku soo dabeen qunsuliyadii lagu dilay, waa nin in badan maamulayey hay’ada dayactirka hubka Sucuudiga.