Deg Deg:Kenya iyo Imaaraadka Oo Nairobi Ku Diyaariyay Dhabadii looga Taqalusaayay Khayre iyo Farmaajo,

Iyadoo weli dowladaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhaxayso xurguf siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya iska xaadirin doona bisha Decembar ee sanadkani 2019 xubno badan oo kamid ah madaxda xisbiyada Mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta inta badan kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma ayaa marti qaadkan fidisay oo casuumadda u dirtay xoogaga mucaaradka ah, waxaana ay ku sheegtay sababta in aayaha dalka Soomaaliya ay kala tashanayaan mucaaradka iyo xubnaha kasoo horjeeda dowladda.

Isla labada Decembar waxaa magaalada Nairobi ka dhici doonta xaflad aad u balaadhan oo dowladda Imaaraadka Carabtu ay ugu dabaal dagi doonto markii xornimada ay qaadatay taas oo ay kasoo qayb gali doonaan siyaasiyiin badan iyo xubno kala duwan, waxaana la filayaa in siyaasiyiin badan oo taabacsan Imaaraadka ay u jihaystaan dhanka Nairobi si ay u sii xoojiyaan xidhiidhka kala dhaxeeya dowladda Imaaraadka Carabta.

Marti qaadkan ayaa Kenya ku sifaysay in mucaaradku yihiin kuwa kaliya ee taageeray doorashadii ka dhacday Jubaland sidaasna iyaga ay saaxiib kale kula noqdeen halka Nairobi laga soo abaabuli doono qorshayaal lagu wiiqi doono xukuumadda Khayre iyo in madaxweyne Farmaajo lagaga roonaado doorashada dambe ee dalka ka dhici doonta oo ay haatan u tafaxayteen dowladda Imaaraadka iyo Kenya oo kaalin mug leh siin doona mucaaradka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya si ay u wiiqaan guulaha uu rajaynayo madaxweyne Farmaajo.

Dekaddaha Ber-Bera iyo Boosaaso ayey xiligani gacanta ku haysaa dowladda Imaaraadku gaar ahaan shirkadeeda DP World, waxaana bartilmaameedkeedu uu yahay qabsashada dekaddo kale sida Kismaayo, Baraawe, Marka, Hobyo, Garacad iyo kuwo kale oo badan

 47 total views,  2 views today