Waxaa muuqata in madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo cadaadis xoogan lagu saarayo si uu uga tanaasuli lahaa kiiska badda ee yaala maxkamada adduunka.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

48 saacadood ee aan ka soo gudubnay waxaa soo baxay sadex war oo ku saabsan arrinta badda.

1.Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya waraysi uu sheegay in uu la yeeshay safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi wuxuu tilmaamay Wargeysku in uu Safiirka Maraykanka ee Kenya sheegay in uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo kana codsaday in kiiska maxkamada laga soo celiyo oo miiska wadahadalka lagu dhameyo cadowga la wadaagana layska kaashado ee Alshabaab.

2.Safiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Kenya Tarsan ayaa warbixin uu soo saaray isna ku sheegay in aanu Safiirka Maraykanka ee Kenya fadhiyaa la kulmin Madaxweyne Farmaajo arrintaasna ka wadahadalin.

3. Safiirka Maraykanka ee Fadhigiisu yahay Kenya ayaa mar kale sheegay in aanu la kulmin madaxweyne Farmaajo laakiin uu la taliyayaashiisa arrintan u sheegay ilaa hadana uu qabo in wadahadal lagu dhameeyo Arrintan Badda.

4. Kenya waxay laba jeer codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda labadii goorba waa laga aqbalay.

5.Kulankii Newyork ee uu dhexdhexaadka ka ahaa Madaxweynaha Masar Kenya Kenya waxay aad u doonaysay in dacwadda la soo celiyo.

Arrin kale ayaa iyana ku soo korodhay arrinta qareenada hawshan hormuudka ka ahaa, gabadhii Soomaaliyeed ee hawshan kaalinta Libaax kaga jirtay meesha waa ka baxday oo waxay shaqo ka heshay Baanka Adduunka.

Soomaaliya markii la kordhiyey dib u dhigista Dhagaysiga dacwadda way ogolaatay markiiba wax diidmo ah kama keenin ama ay xoojinayso in ay tahay arrin ay ka gaabsadeen.

Arrin ayaa jirta aan cidna ka qarsoonayn oo xukuumadda NN haysata waa cadaadiska xoogga weyn ee dublumaasiga ah ee dawladda Kenya adeegsanayso iyada oo doonaysa darayada luqunta looga hayo siday uga fakan lahayd kiiskan oo ay Soomaaliya ku gacan sarayso awgeed, laakiin sida muuqata NN waxaa lala rabaa in ay kiiskan ku fashilanto waana arrin ay ilaa hadda shaxda ay ciyaarayso xukuumaddu ay guulo ka soo hoysay, iyaddoo u adkaysiga cadaadiskan muuqdaa tahay guul weyn oo lagu bogaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.

Marka ay halkan oo kale marayso waxaa talo ahaan wanaagsan in Madaxweyne Farmaajo waraysi bixiyo uu xaaladda ka jirta shacabka ugu sharaxayo dhanbaalana ugu dirayo cidkasta oo cadaadis dublumaasiyadeed ku haysa, Laguna weydiiyo su’aalo dhinacyo badan taabanaya oo aan la jasuurayn, wariye ka tirsan warbaahinta xukuumaduna aanu waraysan muuqaal madaxtooyada ka soo baxana noqon.

Xukuumadda Soomaaliya ilaa hadda qaabka ay u maaraysay arrinta badda way ku mahadsan tahay, madaxweyne Farmaajona waxaa u habboon in uusan Kiiskaas wax tanaasula ka samayn.

W/Q Asad Adaani Ibrahim