600 War Deg Deg Ah:Ciidanka Ahlu Sunna Oo Qabsday Garoonka Diyaaradaha Dhuusameeb iyo Safarki Khayr Oo Baaqday, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Ciidanka Ahlu Sunna Oo Qabsday Garoonka Diyaaradaha Dhuusameeb iyo Safarki Khayr Oo Baaqday,

Ciidamo kamid ah Kuwa Kooxda Ahlu Sunna ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb oo hore loogu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ahlu sunna Amisom iyo dawlad Fadaraalka.

Madaxda Ahlusunna oo khilaaf xoogani kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamadaasi taabacsan yihiin, waxaana ay amar ku bixiyeen saraakiisha hogaaminaysa ciidamada in aysan cidi ka duulin garoonka cidna kasoo dagin.

Gaadiid dagaal oo aad u tira badan iyo madaafiic kala duwan ayaa gudaha loola galay garoonka Dhuusamareeb, waxaana ciidamadu ay xooga saarayaan in ay baajiyaan safarka xubno ka socda dowladda iyo Ra’iisal wasaare Khayre oo kusoo wajahan Dhuusamareeb.

Xiisadaha ka dhex aloosan Ahlusanna iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogaysanayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaana cirka isku sii shareerayey xurgufta siyaasadeed xili madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay gudida farsamada shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ay hore u magacowday wasaarada arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya taas oo sababtay in arintu cirka gasho.

Xubnihii uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa qaarkood ay is casileen kadib markii dowladdu ay dul dhigtay lacago badan, waxaana Ahlusunna ay kusii adkaysanaysaa mowqifkeeda kaas oo sababi kara in uu sii xumeeyo xaalada.

Ra’iisal wasaare Khayre laftirkiis ayaa Dhuusamareeb u tagi lahaa sidii Ahlusunna uu uga dhaadhacin lahaa qorshaha madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo Galmuudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ayaa diirada saaraya Galmudug in madaxweyne uu noqdo shakhsi ay iyagu wataan si cadaadisyada ka saaran maamulada kale ay iskaga dajiyaan taas oo Ahlusunna aysan ku qanacsanayn.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...