War Deg Deg Ah:Somaliland Oo Maleegaysa Qorshe Ka Dhan ah Wasiirada Puntland ee Buuhoodle Ku sugan

Hargaysa{ Khaatumonews }Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka Cayn ka soconaayay shirar ay wadan Xubno kamid ah Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa puntland ay Buuhoodle ka samaysatay ciidamo aad u faro badan oo lagu qiyaasay ilaa 800 boqol oo askari oo ku qalabaysan Gadiidka Dagaalka.

Qorshaha cusub ee xukumada madaxweyne Siciid Deni ku wajahday Buuhoodle ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay maamulka Somaliland oo hore ay Puntland ugala wareegtay dhamaan Deegamadii gobolka sanaag ee Beesha warsangali.

Sida ay noo xaqiijiyen xubno kamid ah Madaxda Ku jirta maamulka somaliland Ee ka soo jeeda Gobolka cayn gaar ahaan Buuhodoe waxaa socda qorshe ay wada Isla xubno iyana ka soo jeeda Buuhoodle iyo maamulka somaliland oo lagu kala kicinaayo ololaha Puntland ee Buuhoodle.

Masuul qariyay Magacasiisa oo la hadlay khaatumonews ayaa sheegay in ay Hargaysa ka socoto labo qorshe oo ah In Maleeshiyaad somaliland ka mushahaar qaata ooDagan Duleedka Buuhoodle ay sameeyan Rabshad ka dhan ah wasiirada Puntland iyo Qorshaha ay wadan iyo in Beelaha Buuhoodle wada-dagan Laga dhex Shido Fidno si ay meesha uga baxdo Puntaldn.

Somaliland ayaa Hore waxay Buuhoodle uga fulisay Weerar ismiidaamin ah oo lagu af jaray Qorshe culus oo ay waden Cabdifatax Rotman iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo labaduba ku dhintay Qorshe ismiidaamin ah oo Maamulka somaliland soo maleegay.

Ugu Danbayn Masuulkan la hadlay Warbaahinta Khaatyumonews ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay Qosrhaha somaliland la damacsan tahay Buuhoodle oo waliba ay ka shaqaynayaan xubno isla reer Buuhodle ah.

KHAATUMONEWS.COM