dahabshiil

Mid ka mid ah xikmadihii Kacaanka.

Waa goor barqo ah waxaa magaalada Burco ku yimi Diyaarad Helikobtar ah taliyihii qaybta 26aad ee xogga dalka Soomaaliyeed, waxaa magaalada Burco ku xidhan 40 oday oo odayaasha magaalada ah, qof lagu hayo eed cad ma jiro, waxaa ka mid ahaa odayaasha oday lagu soo eedeeyey gaadhi aad leedahay ayaa niman mucaarad ah qaaday iyagoo meel hawd ah maraya.

Isla goortiiba Maxkamada Burco waxay xukun ku riday in la dilo 40kii oday, isla Barqadiiba dilkii ayaa la fuliyey, waa xilligii dawladdu ugu xogga weynayd, difaac, dood, ehelnimo midna looma ogolaan, waxay ahayd maxkamad milatari. Dulmi weyn ayaa maalintaa dadkii dareemeen. Waana dhacdo ka mid ah dhacdooyin xanuun badan oo dalka Soomaaliya ka dhacay, dhinac walba. Marka jabhad dhibaato geysato iyo marka xukuumadii dalku dhibta geysato kala culus.

Dadku in ay bahaloobaan oo gadood dhinac waliba dhaco, oo laamiyada ladiirto waxaa ka shaqeeyey Kacaankii, Gobolada Soomaaliya badankooda waxaa ka dhacay gabood falyo Kacaankii uu dad aan waxba galabsan kula kacay, arrimo badan oo lagu maarayn kari lahaa caqli iyo deganaansho iyo maxkamad caadil ah ayaa dad aan waxba lagu hayn sidan loo khaarajiyey iyadoo xukun Inqilaab ah dalkii inta lagu mulkiyey sidii la doono laga yeelay.

Qofka in la dhiso ayaa ka horaysa warshad in la dhiso si qofku u ogaado in isaga loo dhisay, wax qabadka kacaanku waxay ku ahayd waajib sababtoo ah isagaa xukunkii maroorsaday oo in la wadaago diiday, sideedaba sideed sanadood wax ka badan bulshooyinku maamul uma dulqaataan dadku isbadelka ayey la jiraan, waana sababaha dhulka Soomaalidu u soo qaxday adduunyada kale uga horumarsan yihiin.

Kacaankii 21 Oktoobar waxaa gacanta ku hayey dad indhaw Garad ah waxaana u jiibinayey dad caadifiyiin ah, waana sababta doontii u degtay, fursadihii soo maray raggii Kacaanka waxay inoogu dhisi kari lahaayeen dal sida Tanzania ah, madaxweynihii Tanzania 1984kii ayuu xilka baneeyey isagoo awood badan wuxuu dareen sanaa in uu dalkiisa badbaadiyo. Dhacdadaasi Burco waxay sii xoojisay loolankii taagnaa, Jabhaddii SNM-na waxay siisay taageero weyn.

Soomaaliya iyada oo Dinuqraadiyad Musumaasuq ah ku jirta ayaa kacaankii yimi Dimuqraadiyadiina ma xoojin dalkii iyo dadkiina iskuma ilaalin, wuxuu beeray ee Musuqmaasuq, cadaalad daro , eex ayaa dalkii diirtay oo aan ka tagin bir iyo baanad midnaba, bulshada been ayuu kacaanku u sheegay, waxay u sheegeen in dalka dib u habayn lagu samaynayo xukunkana shacabka lagu celinayo.

Waxaynu hadda ka hadalay Kacaanka quruxdiisii, Jabhadihii SSDF, SNM, USC, SDM bisha koowaad ayeynu ka hadalaynaa oo ah xilligay dalka la wareegeen, had iyo jeer dadkeenu marka Farmaajo la dhaliilo ayey ku lamaaneeyaan Xasan Shiikh miyaanu waxaa samayn. Siyaad iyo xukuumadiisii marka la dhaliilana maxaa ka danbeeyey ayaa jawaab looga dhigaa, maaha wax marmarsiinyo siinaya Kacaankii waxba kama danbayn. Bal waxaa xaqiiqo ah in musiibada wax ka soo unkameenba ahayd kacaankii iyo kali talisnimo iyo xukun maroosigii 21 Ogtoobar ee lagala kulmay hoogga iyo halaagga mahadhada ku noqotay Soomaaliya oo kalsoonidii jirtayba lumisay.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=18719

Posted by on Oct 22 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841