600 Deg Deg:Safiirka Mareykanka Ee kenya Oo Sir Culus Shaaciiyay+Arrimaha Badda iyo Kulan Qarsoodi ah Uu Farmaajo La yeeshay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Safiirka Mareykanka Ee kenya Oo Sir Culus Shaaciiyay+Arrimaha Badda iyo Kulan Qarsoodi ah Uu Farmaajo La yeeshay,

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

Kyle ayaa waxaa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka badda.

Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacinin kullanka uu safiirka sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay.

Isku day aan sameynay in aan arrintan wax ka weydiino dowladda ayaan wali inoo suuragelin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...