600 War Deg Deg Ah Daawo::Xaalada Kismaayo kacsan, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo::Xaalada Kismaayo kacsan,

Waxaa maanta kacsan xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoona uu ka socdo dibadbax ballaaran.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Banaanbaxa oo ay dhigayaan shacabka reer Kismaayo ayaa waxaa looga soo horjeedaa dilkii xalay halkaasi loogu geystay ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon.

Dibadbaxayasha ayaa dalbanaya in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyey dilka marxuumka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilkaasi uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Ganacsade Xaaji Adoon oo xalay toogasho lagu dilay ayaa waxaa baxsatay kooxdii fulisay.

Jubbaland oo ka hadashay dilkan waxa ay sheegtay inay ka xun tahay, islamarkaana ciidamadeeda ay ku raad joogaan raggii fuliyey.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri ah oo doorashada Jubbaland, kadib ku soo kordhay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...