War Deg Deg Ah:– Wasiir Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Qoorta U Galiyay Xukumada Farmaajo Colaad Halis ah,

Xukumada Madaxweyne Farmaajo oo maalinba isku shida Dab aysan Bakhtiin aqoon Ayaa haatan Colaad la xidhatay warbaahinta madaxa Banaan ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta oo sida caadada u ah Xukumada Nabad iyo Nolol ku Hadaaqay War uusan Ka fiirsan Ayaa shaaciyay maanta si cad dibadana usoo dhigay Colaada Xukumada Nabad iyo nolol u Hayso Hay adda ugu Xooga Badan Dalka ee Warbaahinta madaxa Banaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo aan caadi ahayn ayada oo ku eedeysay warbaahinta madaxa banaan inay heshiis kula jiraan Al-Shabaab.

Warkan ayaa waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan badqabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eedeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka.

Hadalkan Gafka ah ee ka soo Yeedhay wasiir Mareeye ayaa dadka qaar u Fasirten mid uu qoorta ugu Xidhay xukumada Colaad ay la gasho warbaahinta madaxa Banaan.

Walaac xoogan ayay ka muujiyen hadalkaasi Masuuliyiinta qaarkood iyo Saxafadda Madaxa Banaan oodhani waxayna codsaden inta uusan hadalkaasi keenin colaad in xukumada Farmaajo iyo wasiir Mareeyaba ka Bixiyan raali gain,

Si kastaba ha Ahaate Go aankan Ka soo baxay Xukumadda Duulduulka Badan ee Nabad iyo Nolol Islamarkaana ay ku qaaten dusha Colaad ay la galan Hay adda ugu Xooga Badan Dalka ee warbaahinta Ma la odhan kara waa isku daygoodii ugu danbeeyay ee ay Kaga bixi lahaayen Shaashada Saxaafada Madaxa Banaan,

 37 total views,  2 views today