Deg Deg Daawo:Weftiga Midowga Yurub Maxay kala Hadlen Muuse Biixi,

Hargaysa{ Khaatumonews }Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Midowga Yurub iyo Sweden ee u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada-hadlay dar-dar gelinta iyo adkeynta xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labadaasi dal iyo maamulka Somaliland, gaar ahaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha manqadda Geeska.

Waxa sidoo kale kulankaasi lagu lafo guray sidii loogu diyaar garoowi lahaa qabsoomida doorashooyinka maamulka Somaliland ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo mudooyinkii dambe uu muran badan hadheeyay.

Labadan dal ayaa waxay ka mid yihiin dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya doorashooyinka maamulka Somaliland, isla markaana ka qeyb qaata doorkooga taageero ee ku wajahan hanaan socodka dimuquraadiyada.