Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Dalka Australia Oo Soo Bandhigay Diyaarad Samaysay Duulimaadkii ugu Wakhtiga Dheerra Abid
Shirkad duulimaad oo laga leeyahay Australia laguna magacaabo Qantas ayaa ku guuleysatay lambarka duulimaadka ugu waqtiga dheer Caalamka ee aan kala joogsiga lahayn.
Duulimaadka ugu mudada dheer ilaa iyo hadda ayay tijaabisay diyaaradda Shirkadani,waxaana saarnaa intii lagu guda jiray mudada tijaabada 49 Ruux oo iskugu jira Madaxda Shirkadda,Cilad-bixiyeenno heer caalami ah,Cilmi-baarayaal ka kala socday dunida caalamka iyo Saxafiyiin.
Diyaaradan oo u kala goosheysay Magaalooyinka New-York ee dalka Mareykan ah iyo Sydney ee dalka Australia ayaa hawada ku jirtay 19 Saacadood iyo 16 Daqiiqo oo xiriir ah,waxa ayna waqtigaas ku jartay masaafo dhan 16 Kun iyo 200 oo KM sida lagu sheegay warkooban oo la soo dhigay Bogga ay Shirkadu ku leedahay Baraha Bulshada.
Habeenimadii Jimcaha ayay ka duushay garoonka diyaaradaha John F. Kennedy ee New York iyadoona subixii Axadda ka dagtay garoonka diyaaradaha Kingsford ee Sydney waxaana xusid mudan in Waqtiga Sydney ee dalka Australia uu 15 Saac ka horreeyo waqtiga New-York ee Mareykanka.
Inta uusan dhammaan Sanadkaaan aan ku jirno ee 2019-ka Shirkadda Qantas ee Australia ayaa qorsheynaysa in ay sameyso labo duulimaad oo lagu tijaabinayo badqabka duulimaadka ugu waqtiga dheer Caalamka.

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.