600 Deg Deg:Cabdirashiid Xidig Oo Aqbalay Wadahadal iyo Tanaasul Siyaasadeed, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Cabdirashiid Xidig Oo Aqbalay Wadahadal iyo Tanaasul Siyaasadeed,

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana dhawaan sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan qaato heshiis uu la galayo Axmed Madoobe.

Sida Uu Warbaahinta Khaatumonews u Xaqiijiyay Masuul kamid ah Xukumada Deni Cabdirashiid Xidig wadahadal mira dhal ah ku soo dhamaaday uu la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka hor inta uusan ka bixin Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig kala hadlay in uu ka tanaasulo sheegashada Madaxweynaha Jubbaland islamarkaana Madaxweyne Deni uu xalin doono dhammaan tabashooyinka uu qabo Xidig.

Xidig ayaa loo balan qaaday Lacag, soo laabashada kursigiisa iyo in xubno wasiiro ah laga siin doono Golaha Wasiirada Jubbaland, sidoo kalane mudnaan iyo tixgelin laga siin doono arimaha Jubbaland.

  1. Lacag, xilal laga siinayo golaha wasiirada iyo soo laabashada kursigiisa ayaa la sheegay in ay sabab u noqon doonto tanaasuka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.
  2. Qodobka 2-aad ee sababta unoqon kara in uu tanaasulo Xidig ayaa lagu sheegay in uu furmay Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka taasina ay sababi doonto in uu tanaasilo ama uu iska casilo kursiga Xildhibaano maadaama uusan soo xaadiri karin fadhiyada Baarlamaanka, sidoo kalane uusan ka maqnaan karin isagoo dalka ku sugan fasaxna aan heysan.
  3. Iyo qodobka 3aad ah in hadii ay dhacdo doorasho ay wadato Xukuumadda uusan soo bixi doonin Xidig balse ay xaqiiqo tahay in uu soo bixi doono Musharaxa Xukuumadda oo loo badaniyo Wasiir Oomaar taasina ay sababi doonto in ay kursigooda waayeen Xildhibaano badan uu isaga ugu horreeyo.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa Khaatumonews u sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhameynta Khilaafka Jubbaland gudaheeda ka jira balse waxay qireen in ay jirto faragelin ay ku heyso Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana siyaasiinta qaar ay Xukuumadda ka dalbaneyso in aysan tanaasulin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...