600 Daawo:-Muqdisho Maxaa Ka Dhacay Maanta | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo:-Muqdisho Maxaa Ka Dhacay Maanta

Kulankii ugu horreeyey ee Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka oo goor dhow ka furmaya xarunta Villa Hargeysa ayaa loo diiday inay ka qeyb galayaan Wariyeyaasha warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golahaasi, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku wargeliyey in hadda kadib aan loo ogolaan doonin in ay warar ka soo tabiyaan gudaha xarunta golaha shacabka Soomaaliya.

Intaasi kadib Wariyeyaasha ayaa dib u soo laabtay, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay caburin lagu hayo warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in tabinta wararka la xariira Baarlamaanka loo ogol yahay warbaahinta dowladda, sida Raadiyaha,Tv-ga iyo Wakaaladda SONNA.

Sida aan xogta ku helnay arrintani ayaa laga gol leeyahay in lagu xadido dhaq dhaqaaqa Wariyeyaash, gaar ahaan kuwa wararka ka doona halkaasi.

Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaara ayaa horay loogu diiday Wariyeyaasha, marka laga reebo shirarka qaar, waxaana warbaahinta loo soo diraa warar la soo tafaftiray oo soo mara xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada.

Dhowaan ayey aheyd markii Wariyeyaasha oo shir jaraa’id qabtay ay soo bandhigeen dhibaatooyin ka heysta xafiisyada dowladda iyo shirarka ka dhaca Caasimada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...