Isimada SSC Oo Godka Biyo Ugu Galen iyo Is Xulufaysiga Ku Dhisan Nacayb-ka Majeerten ee Cali Khaliif Galaydh iyo Farmaajo

Muqdisho{Khaatumonews}Madaxweynaha Jamuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Oo Haatan ay kala Fogaaden Siyaasad ahaan maamulka Puntland, islamarkaana ku jira olole qaabkii uu mar kale ugu soo noqonlahaa Xukunka Dalka 2020 ayaa bilaabay olole cusub oo Xildhibaanada 2020 looga Badalaayo Qaabkii hore ee loo soo xuli jiray,

Madaxweyne Farmaajo, oo ku dagaalamaya in uu hello xildhabaanada SSC, ayaa qorsheynaya in xildhibaanada, Ka Soo jeeda SSC ee Dawlada Fadaraalka u matala in lagu xullo Muqdisho, si aysan ugu gacan galin Maamulka Puntland, oo ay hada is hayan Madaxweyne Farmaajo

Xildhibanadan, oo hore loogu xuli jiray puntland, Gaar ahaan Garoowe ayaa Madaxweyne Farmaajo hada aaminsan yahay in Puntland, aysan ka soo baxay Xildhibaano isaga U Codeeya,

Madaxweyne Farmaajo,. oo dagaalka uu ku hayo puntland iyo Jubbaland ujeedada ugu weyn ay tahay in uu Hello Barlamaanka, ka soo baxaya Puntland iyo Jubbaland, taaso aan hada muuqan marka la eego madaxda ka talisa PL iyo JL, Oo labaduba ku fahmay qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee Ololaha Dooraasho 2020.

Madaxwyen Farmaajo, ayaa u yeedhay Siyaasiyiin uu kamid yahay Cali khaliif galaydh, ku Sifoobay Nacayb-ka Majeerten, islamarkaana godkasta ugalaaya Colaada tolka, kaaso wada qorshe ah in lagu xullo Barlamaanka SSC Muqdisho.

Hadaba isweydiintu waxay tahay Cali khalif Galaydh iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku midoobay Siyaasada Nacayb-ka Majeerten, Ma noqonasa mid Hirgasha oo say u dhigen u midha dhasha,

Xildhibaanada SSC, waxaa soo xulla Isimada SSC, su aashu waxay tahay Isimada SSC, Hadii ay raacan Qorshaha Farmaajo iyo cali Khaliif galaydh oo Lagu soo xullo 8 Xildhibaan Muqdisho, maxay waayi karan isimadu oo puntland kaga xidhan.

Waxaa xasuus mudan in Isimada SSC, ay u Handaraaban Yihiin puntland waxyaaba ugu weyn ee ay ugu xidhan yihiin puntland, ay tahay in maamulka Garoowe, uga danbeeyo isimada inay iyagu soo xullan 8 sideeda Xildhibaan ee Fadaraalka umatalla SSC, islamarkaana ay soo xulan Xildhibaanada puntland u matala SSC,

Isimada SSC, Oo xulla Labo Barlamaan, oo kala ah Kuwa Fadaraalka iyo Kuwa Puntland, maxaa dhacaya hadii ay Xulan kuwa Muqdisho oo aysan Puntland raali ka ahayn,

Isimada, Ayaa hadii ay xullan 8 sideeda xildhubaan ee Muqdisho, u matala SSC, islamarkaana xamar kusoo xulan iyadoon Puntland, Raali Ka ahayn waxay waayi doonaan tirro ka badan sideeda Ay Xamar Ku xullen oo AH Barlamanka puntland U matala SSC iyo xubno wasiiro ah iyaga looga danbayn jiray qorshayntooda,

Ugu Danbayn Su aasha la rabo in la isweydiiyo waxay tahay Isimadu ma waxay U Go’idoonan 8 sideeda Xildhibaan, ee xamar, mise sidii ay horeba iskugu Jumlaysan jiren sideeda xamar iyo kuwa puntalnd ayay iskugu Jumlaysan doonan oo Nacaynka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Cali khalif isku geeyay wuxuu noqon doona Nacayb yadii hore u fashilmay ee Loogu dayay jubaland oo kale?

KHAATUMONEWS.COM