Wasiirka caddaaladda Maamulka Somaliland Cabdirisaaq Cabdi Saalax, ayaa sheegay in ciidamadii dhawaan ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland ay ahaayeen wax matarayaal ku raagay deegaamadaasi.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa intaa ku daray in aan Calanka Somaliland laga dejin magaalo keliya oo ku taalla bariga Sanaag , calanka la dejiyayna lagu sameeyay Macmal (Photo Shop).

Wasiirka ayaa la waydiiyay sababta markasta oo ciidamo ka goostaan loogu tilmaamo waxmatarayaal?

Wasiirka ayaa sheegay in aanay jirin ciidamo tiro iyo muhiimad leh oo mar keliya ka goostay Somaliland.