600 Xukumadda Farmaajo Oo Gabogabo Ah Iyo 8 Bilood Oo Ka Hadhay Wakhtiga Barlamaanka. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Xukumadda Farmaajo Oo Gabogabo Ah Iyo 8 Bilood Oo Ka Hadhay Wakhtiga Barlamaanka.

Soo xulista xubnaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka hadhay sideed bilood ugu badnaan, sababtoo ah had iyo jeer lix bilood ka hor doorashada madaxweynaha waxaa sii bilaabma ololaha u guclaynta xubin-nnimada golaha baarlamaanka.

Ninka aan Xilligan madax dhaqamaydkiisa iyo maamul goboleedkiisa iska sii dhaadhicin way adag tahay siduu loolankaas uga qayb qaato, kuma darin kuwo is huba ee Shaanbada ama aabihii u hayo ama inaadeerkii, laakiinse xaqiiqadu waxay tahay in bishan bisheeda oktoobar 2020 hawsha lagu jiraa tahay doodaha xubnaha baarlamaanka taas oo bilaabmaysa bisha lixaad ee 2020 oo ay inaga xigto sideed bilood, taas macnaheedu waxa weeye xukuumadda NN waxaa u hadhay sideed bilood.

Hadaba waxaa isweydiin leh NN qaab nooceeya ayey rabaan in ay u waajahaan hawsha soo xulista xubnaha Baarlamaanka ,waana arrinta hadda shakiga weyn laga qabo, werwerkuna yahay in aanu cadeyn qaabka golaha Baarlamaanka loosoo xulayo, dad badana aamineen markii la arkay qaabka NN wax u waddo in ay ololeba ku jireen ilaa maalintay xilka qabteen kaas oo ah siday xilka u sii haysan lahaayeen, xilligana ay dhalinyaro badan dhagta wax ugu sii sheegeen ah idinkaa mustaqbalka ah, kuna dadaalayaan in ay xubnaha golaha Baarlamaanka iyagu soo xulaan.

Hadana waxaa jira dhaqdhaqaaqyo badan oo dhawaan xisbiyo cusub oo la odhan karo way ka duwanaan karaan kuwan hada jiraa soo shaac bixi doonaan, sababtoo ah dad badan ayaa aaminsan in ay buuxin karaan oo labada fudeyd, Fudeydka siyaasadeed ee NN ee ay hormuudka u yihiin Farmaajo iyo Khayre, iyo Fudeydka mucaaradka labadaas fudeydba aanay xikmad ku dhisnayn.

Madaxweyne Farmaajo waa la tijaabiyey imtixaankii natiijo lagu dhiirado kama keenin oo uu dib ugu soo noqon karo, hadduu soo noqdana saamilayda xilligan qaybta ka ah NN iyo la taliyayaashiisa fashilmay kama wada takhalusi karo, sababtoo ah la’aantood ma duuli karo waana xubnaha ay dhariga siyaasadeed wada kariyaan, haddiise NN ay gacan tugaalayso xubnaha baarlamaanka Farmaajana leexiso, xubin kalena ay iska soo hore mariyaan waa suurta gal in ay soo noqdaan.

Waxaase hubaala in kaalin weyn halkaa ka banaan tahay oo loo baahan yahay raggii xikmada iyo wadaniyada u saaxiibka ahaa ee ka faa’iideysan lahaa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...