Deg Deg:Beesha Caalamka Oo Xukumada Farmaajo Uga Digtay Doorasho ay Ku Qabato Gedo,

maqal iyo muuqaal Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga digay in ay doorasho kale ku qabato degmo ka tirsan gobalka Gedo xili ay socoto abaabulka doorasho kale oo afaraad oo lagu qabto Jubbaland kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday doorashooyinkii Kismaayo ka dhacay bishii August ee sanadkaan.

Warar ay heshay warbaahintu ayaa xaqiijinaya in madaxda dowladda Soomaaliya looga digay in ay ku deg degaan doorasho kale oo ay wado dowladda Soomaaliya in lagu qabto degmooyinka gobalka Gedo, waxaana la sheegay in arintaasi ay abuuri doonto dagaalo iyo colaad sokeeye.

Mid kamid ah agaasimayaasha Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka ay dowladda federaalka Soomaaliya u sheegeen in Gedo aysan marti gelin doorasho si aysan u sii fogaanin xiisadda Jubbaland.

Beesha caalamka ayaa rumeysan in xalka Jubaland ee ugu dhow uu yahay wada-hadal dhex mara maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda, sida aan xogta ku helnay.

Ugu Danbayn Talaabada dowladda Soomaaliya looga digay ee abuuri karta colaadda Jubbaland ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay Gedo ku qabato doorasho, waxaana markaas xaaladda isu badali doontaa qabiilo ay ka soo kala jeedaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe.