Deg Deg::Alshabab Oo Qabsatay Meel Muqdisho U Jirta 40 K.M,

Wararka naga soo gaaraya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen inta u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Deegaanada Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow ayaa la sheegay in ciidamada dowladda ay halkaasi ka baxeen, islamarkaana ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda Somalia ay isaga baxeen deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe.

Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanada Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha gobolka shabeellada dhexe iyo maamulka Hirshabelle