“Caqliga Keenay Kismaayo Qofkii Taga Waa Qaran Dumis Somaha Macnahu Kismaayo Kama Mid Aha Qaranka”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa si yaab leh uga hadlay dadka ku fikiray ama ku tiraabay Kismaayo, qofkii taga waa qaran dumis qaabka uu u fakaray in ay tahay mid yaab leh oo aan lahayn ka fiirsasho,

Fiqi oo Ka hadlaya Arrinkaasi ayaa yidhi”“Wadaniyiintii magaalo dalkooda ka mid ah ceebta ka dhigey In la tago, inta aysan wadaniyiinta noqon Magaalada Nairobi ayey shirarka dawladdii markaas jirtey ay uga soo horjeedeen ku qabsan jireen!

“”Ileen waa dad caadifad dilatey oo aan raadkooda dib u raacine maantay Kismaayo ayey nooga dhigayaan qofkii taga inuu qaranka duminayo, tolow Qaranka ay sheegayaan miyaanay Kismaayo iyo Jubaland ka mid aheyn! Maxeyse ku fasirayaan shirarkoodii Nairobi ay ku qabsan jireen dhowr sanadood ka hor ayagoo kursiga raadinaya”?