600 15 Octobar Bilowgii Gunimada iyo Dibu-Dhaca Dhulbahante, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

15 Octobar Bilowgii Gunimada iyo Dibu-Dhaca Dhulbahante,

15-Oct 2007 Maalintii ay Jamhada Snm qabsatay Magaalada Laascaanood, waa maalin ay dad badan bara kaceen,ilaa 50,000 oo qoys ayaan dib ugu soo noqon magaalada.

Waa maalintii dibu-dhacu ku bilowday Laascaanood, waxay ka hadhay Magaalooyin ay la tartamaysay, waxay wayday haldoor badan oo ka hayaamay, waxaa laga Degiyey Calanka buluuga ee Cawaale, iyadoo la saaray Marada Ciilqabka iyo necaybka astaanta u ah ee Snmta.

15 October waa maalintii Masiirka Shacabka Laascaanood ku dhacay godka madow, jaah-wareerkii iyo dhibaatadii ka dhalatay ayaa saamayn ku yeelatay dhamaan G.Sool.

Jamhada Snm 12 sanno ayey haystaan Magaalada Laascaanood waxay ka gaysteen Dilal ay ku dileen ilaa 60 Haldoorkii Magaalada ah, waxay barakiciyeen dad badan oo kala galay daafaca Dunida, waxay ka gaysteen ama ka huriyeen Colaado badan oo dadka Deggaanka dhexdooda.

Laascaanood waxay gashay dibu-dhac ay adag tahay sida ay uga soo kabataa, Snm ay xilalka u dhiibaan dad liita si ay akhlaaqda dadka, dhaqanka iyo Deggaankuba u baaba,o.

Laascaanod waxay maraysaa 12 Sanno oo dibu-dhac ah, dadkeedii akhlaaqiyan iyo dhaqaalo ahaanba loola dagaalamay, la gumaaday Waxgaradkii, wali ma muuqato talo midaysan oo dulinimadan iyo sidii sharaftkii luntay loo baadi-goobi lahaayah.

Bilidhig A Gelle
Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...