600 Deg Deg:Sarkaal Lagu Dilay Kismaayo, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Sarkaal Lagu Dilay Kismaayo,

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi kooxo hubeesan ku dileen nin horey uga tirsanaa saraakiisha Al Shabaab balse markii dambe kasoo goostay.

Rag biskoolado ku hubeesnaa ayaa toogtay Cumar Daqal oo oo loo yaqaan (Taqiyudiin) xili uu masaajid kasoo baxay, waxaana goobta dilka ka dhacay ka baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Ninkan la dilay ayaa horey uga tirsanaa saraakiisha Al Shabaab u qaabilsan dhinaca dacwada, waxaana markii dambe ninkan kasoo goostay Al Shabaab isagoona isku soo dhiibay maamulka Jubbaland ee ka taliya Kismaayo.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Cumar Taqiyudiin , waxa ayna Al Shabaab ku sheegeen ninkan in uu Sirdoon u ahaa Mareykanka sidoo kale xubin ka ahaa Wasaarada Amniga maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin dilkan magaalada Kismaayo loogu geestay sargaalkan horey uga soo goostay Al Shabaab, waxaana ciidamada amaanka Jubbaland wadaan howlgalo ay ku raadinayaan ragii dilka ka dambeeyay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...