Deg Deg:Markab Hub-Sida Oo Ku Soo Xidhay Dekedda Kismaayo,

Kismaayo{ Khaatumonews }War dag dag ah oo hadda shabakadda khaatumonews.com ka soo gaadhaya caasimada Ku Meel Gaadhka ah ee maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in halkaasi uu ku soo xidhay Markab sida Hub.

Markab, Sida hub Noocyo kala duwan ah ayaa ku soo xidhay Marsada Kismaayo.

Sida wararku nagu soo gaadhayan markab-kani waxaa laga soo diray dhankaas iyo Wadamada Carbeed, gaar ahaan dalka Imaaraadka.

Qorshaha hubkan xoogan ee imaaraadku ,ugu deeqay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay tahay Labo qorshe oo kala ah in Lagu qalabeeyo ciidanka Jubbaland islamarkaana lagu xoreeyo gobolka Bu’aalle.

Bu’aalle, ayaa dawladda soomaaliya, ee madaxweyne Farmaajo Hogaamiyo waxay waday qorshe ay ku xoraynaso Bu’alle si loo kala jabiyo maamulka Jubbaland halkaasna looga dhiso maamul kale,

Imaaraadka iyo kenya, ayaa iyana wadda qorshe Isugu jira labo Waji oo kala ah In Imaaraadku Bixiyo Lacag, iyo Hub Halka kenya, ay Hawl Galinaso dhankeeda Ciidankeeda Cirka iyo Dhulka si loo Xoreeyo Bu’aale.

Imaaraadka iyo Kenya, ayaa wadda qorshe Xoogan oo looga hortagaayo in Bu’aalle ay gacanta ugasho xukumadda Soomaaliya.

Lasoco Wixii soo kordha Khaatumonews.com