Deg Deg:Inqilaab Ka Dhan Ah Siciid Deni Oo Ka Socda Muqdisho +Wararkii Ugu Danbeeyay,

Garoowe{ Khaatumonews }Waxaa socda dagaal Siyasadeed oo xoogan kaaso oo dawlada Fadaraalka Soomaaliya, ay doonayso in ay ku kala Daadiso Awodda Gaamurtay ee puntland, islamarkaana ay kala mid dhigto Puntland. Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo dawladu isteerinka u hayso,

Waxaa kamid ah dadaaladda dawlada soomalaiya, ay donayso in ay ku kala Daadiso Xukumada Madaxweyne Siciid Deni, qorshayaal Horu dhacooda durba ay soo ifbaxen,

Muqdisho, waxaa ka dagay Assad Diyaan, oo Ahaa Musharixii la Tartamaayay Siciid Cabdilaahi Deni madaxweynaha Puntland islamarkaana ku hadhay Labadda Cod.

Sidoo kale Muqdisho waxaa ku qulqulaya xubno kamid ah Barlamaanka Puntalnd. iyadoona hore Muqdisho, u tagay dhawr mar gudoomiyaha Barlmaanka Maamulka Puntland Dhoobo Daareed,

Sida wararku haatan aan helayni ay sheegayan xukumadda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo, Hogaamiyo waxay wadda Dadaal ay ku Abaabulayso sidii xilka looga tuurilahaa Madaxweyne Siciid Deni loogu-na badelilahaa Assad Diyaano.

Xukumadda Farmaajo, waxay Midhmidh ugu yeedhaysa Barlamaanka puntland iyo Siyaasiyiitn ka soo hor jeeda Siciid Deni, waxaana Qorshuhu yahay in xamar, lagu Dajiyo Jadawelka loo maraayo Ka Taqaluska Xukumadda Siciid Deni.

Xildhibaanada Muqdisho, gaadhay iyo kuwa lagu wadoo in ay gaadhan Waxaa Ay ka Soo jeedan Badankoodu Gobolada Sool. iyo Bari,

Hadaba Dhanka kale Siciid Deni. ayaa Isna Wadda qorshe uu xilka uga turaayo Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland , islamarkaana uu ku keen sanaayo Gudoomiye, ku shaqeeya Amaradda Madaxtooyadda Puntalnd

Dhanka Kale Sicid Cabdilaahi Deni Ayaa wada qorshe xoogan uu ku dhisanaayo ciidan, xoogan islamarkaana uu ku kasbanaayo ciidamada puntland, si uu u kala daadiyo qorshe kasta oo laga soo Maleego Muqdisho.

Dagaalkan xoogan ee ay xukumada Fadaraalka Soomaaliya kula jirto maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ah mid ay doonayso sidii ay awoodda uga qaadi lahayd mamuladaasi Islamarkaana ay u gaysan lahayd Madaxweynayaal iyaga ka amar qaata oo lamid ah Badhasaab Gobol, iyo Ciidaamo ka amarqaata dawlada oo la dhigo Garoomada iyo Goobaha muhiimka ah.

Si kastaba ha Ahaate waxaa aad u adag sidii ay xukumadda Madaxweyne Farmaajo oo ku fashilan tahay Jubbaland ugu guulaysan lahayd qorshahan maadaba maamulka puntland yahay mid ka dhabar adag Jubbaland ,

Isha Ku ahay Wixii Soo kordha Khaatumonews.com