Deg Deg:Tirada Ajaniibta Ku Waxyee Lowday Weerarkii Xalane ee Maanta

Tiro madaafiic ah ayaa maanta lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaar kamid ah madaafiicdaasi ay ku dhaceen gudaha xarunta .

Madaafiicdan oon la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa qaarkood ku dhacay banaanka xarunta Xalane halka kuwa kalana u gudbeen gudaha xarunta Xalane,

Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin Askarta Ciidamada Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka ayaa ku dhaawacmay Hobiyayaal Maanta lagu Garaacay Qeyba kamid ah Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho

Xarunta Xalane ee kutaala garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa degan taliska ciidamada AMISOM, safaaradaha reer Galbeed iyo shirkado badan oo reer Galbeed ah, xaruntan ayaana ah mid amaankeeda si weyn loo adkeeyo

 41 total views,  2 views today