Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg:Raysal Wasaare khayre Oo Ku Wajahan Kismaayo,
Muqdisho{ Khaatumonews } Dawlada Soomaaliya ayaa ugu dambeyn garwaaqsaneysa Talooyin kala duwan oo loo soo jeediyey si ay ubad baadiso Siyaasada Cakiran Ee Dalka Lugaha la galay
Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay dooneysaa inay badesho mowqifkeeda taas oo biseyl siyaasadeed iyo fur furnaantii loogu baaqay ay la imaan doonto.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare Kheyre ay kuwajahan yihiin Kismaayo.
Lama cadeyn xilliga Safarkaasi uu ku beegan yahay balse waxaa la sheegay in Jubbaland iyo Dawlada Dhexe si loo dhameeyo mad madowga jiro ay wafdigaasi tegi doonaan.
Kadib beesha Caalamka fariintoodii Labo isbuuc ka hor shirkii ka dhacay Muqdisho,Baaqyo kale oo Dalalka Deeq bixiyeyaasha ah ayey udhego nuglaatay iyadoo xitaa ku qancin inay is hoos geyso Axmed Madoobe.
Khudbadii Caleemo saarka Axmed Islaam Shalay ku qabsaday Kismaayo ayuu mar kale ku celiyey inuu dib uheshiisiin diyaar u yahay iyo wada hadal lala furo,taas oo ka micno aheyd inuu weerar siyaasadeed wadin
Madaxweynayaal Hore Ee Soomaaliya ayaa Kismaayo tegay iyo Wafdi Kenya ka yimid taas oo sii cakirisey Mowjadihii Siyaasadeed,ee ku geedaamanaa Arimaha Kiiska Badda,is hortaagii Bishii hore lagu sameeyey Sheekh Shariif isagoo Kismaayo usocday iyo Dhaliilaha Dhimbilaha Dabka oo kale Mucaaradka ay Madaxda Dalka ula daba joogeen.
Inkastoo RW Kheyre lagu Dhaleeceeyey in Siyaasad Qaboow uu kula jiro Axmed Madoobe oo ay sida hoose iskula xiriiraan,hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhursugaya Wafdiga Kismaayo udiri doonaan.

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.