600 Deg Deg:Dawladda Somalia 10 Kun Oo Askari Ka Dalbatay Itoobiya iyo Wararkii Ugu Danbeeyay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Dawladda Somalia 10 Kun Oo Askari Ka Dalbatay Itoobiya iyo Wararkii Ugu Danbeeyay,

Warar laga helay ilo katirsan Dawlada Somalia,oo ku sugan magaalada Addis Ababa iyo Xaafiisyada Urur Gobaleedka IGAD, ayaa daaha ka rogaya in Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay codsadeen in ciidamo gaaraya 10Kun Askari oo kamid ah kuwa Itoobiya la geeyo gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalka Gedo oo ay u taageeraan howlgalada dawladda Faderaalka.

Warbaahinta Khaatumonews.com oo xogtan heshay waxay iluhu u xaqiijiyeen in qorshahan oo horey u ahaa mid-bilow ah hadda uu marayo dhamaad, ayna aqbashay Xukuumadda Addis Ababa in kumanaan Askari ay u dirto Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ciidamadeedu hadda yihiin ciidanka 2aad ee ugu badan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna joogaan maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle & Jubbaland oo sadex qeybood oo muhiim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u codsaday in ciidamo katirsan Itoobiya iyo Eritrea ay qeyb ka noqdaan qorshaha cusub ee Soomaaliya, waxaana dawladdiisu ay xooga saaraysaa sidii ay ciidamadaas u qaban lahaayeen magaalada Bu`aale ee gobalka Jubbada Dhexe.

Dawladda Faderaalka ayaa u aragta qorshahan mid ay uga faa’iideysan karto in ay kuqabsato magaalada Bu`aale, si uu meelmar u noqdo qorshaheeda ku wajahan dhismaha Jubbaland iyada daabacsan ka hor bisha April ee sannadka nagu soo aadan.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen in ay Xukuumadda Soomaaliya bixin doonto dhaqaalaha badan ee kubaxaya ciidamadan soo galidooda Soomaaliya, sidaas oo kalena ay adeegsanayaan magaca iyo calaamada Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin caqabadaha hareyn doona waxaa kamid noqon doona cida bixin doonta dhaqaalaha faraha badan ee ay u baahan yihiin.

Itoobiya ayaa horey ciidamadeeda ugala baxday Soomaaliya, markii ay dagaalo culus kala kulantay kooxo kasoo horjeeday, waxaana ay uga baxday markii dambe heshiis ay galeen dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaana garabkii uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed.

Haddii markale ay Itoobiya gasho gudaha Soomaaliya dad badan ayaa u arka mid dib loogu abuurayo xiisado coladeed oo kuwajahan gdaha Soomaalida iyo in ay kooxaha Argagixisadu helaan garab iyo gaashaan aysan maanta haysan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...