Cali khaliif Galaydh Oo Cagaarinaya Somaliland lawada Leeyahay.+Warbixin Is Madoobaynta Muqdisho,

Waxaa aad Bulshada SSC, isku weydiinasa Qorshaha Socdaal oo ku tagay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, Dr cali khaliif galaydh, oo muddo ku jaah wareersana Hargaysa,

Cali khaliif galaydh oo dhulbahante, Hogaanka uga dhigtay Khaatumo islamarkaana sita magaca umada iyo maandheedka umada SSC, ayaa hal mar dhex muquurtay cadowgii loo doortay inuu dhulkaasi ka xoreeyo.

Cali khaliif Galaydh, oo saddexdii sanno u joogay Hargaysa, meelkasta la taagna Midnimada somaliland iyo in dhulbahante wax la yeesho maamulka soomali diidka ah ayaa laga dhagaysan waayay,

Hadaba cali khalif maxaa ku dhaliyay haatan inuu muqdisho iska xaadiriyo.

Si aanu shacabka ssc uga saarno madowga iyo Boodh isku qartinta cali khaliif galaydh, waxaanu Dabagal ku samaynay In Cali khaliif galaydh, doonaayo in uu muqdisho isku soo sawiro, Kadibna uu sawiro iskaga soo qaado Ganacsatada siyaasiyiinta si uu u ruxdo Muuse Biixi.

Cali khaliif Galaydh, oo cagaarinaya Haanta Muuse Biixi ee Somaliland lawada leeyahay ayaa muqdisho si wacan uga ruxaya Haanta si ay u keento subag

Cagarin aan la wadaago dadka inta aan Aqoon waa Haanta lagu Lulo caanaha Adhiga, kadibna marka ay kala baxan caanaha iyo subagu ayaa la dhaha wey cagaartay.

Bulshada SSC, waxaa loo bahaan yahay in aan mardanbe lagu khaldamin ismadoobaynta muqdisho, ee cali khaliif galaydh, taaso ah qaabkii uu Muuse Bixii uga soodhaweysan lahaa in uu u fuliyo qorshaha Somaliland lawada leeyahay oo sadex sano, laga dhaysan waayay,

Cali khalif galaydh, iyo kooxdiisa ayaa wadanka soo galiyay warar odhanaya cali khaliif oo Farmaajo u yeedhay kalana hadlaayo sidii Maamul loogu samayn lahaa ssc.

Madaxweyne Farmaajo Ma Sanadka uu sii dhacaayo ayuu maamul usamaynaya SSC iyado maamuladii hore ee u kala daadiyay uu meel uu kaga waramo uusan garan karin.

Xukumada Farmaajo, ma dhismaha maamulka SSC waxay kala hadlaysa cali khalif Galaydh Oo Hore Reer SSC U Dayriyen Mise umada Cida matasha ee Isimada iyo aqoonyahan nadiifta ka ah waxyabaha dhibaateeyay Shacabka SSC ku milankooda,

Ugu Danbayn waxaa soo muuqday markii ugu horaysay hordhaca sawirada uu ku cagaarinaayo wadahadalka somaliland cali khalif galaydh Si Muuse Biixi dhagaha ugu furo Rabitaankiisa,