Deg Deg Daawo:Xukumadda Soomaaliya U yeedhay Safiirka Kenya, Markii ay ka Soo Go’day Gidaar,+Warbixin Sirro Badan Kashiftay,

Muqdisho{ Khaatumonews }Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamig ah ayaaCaawa oo Jimce ah u yeertay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda, ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso xad-gudubkii diyaarad ay dawladu ku sheegtay inlaga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October,2019,

Diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya

Cabashadan Dawlada Soomaaliya, Safiirka u gudbisay Caawa ayaa imaanasa iyadoo Hore xukumada soomaaliya, ubaal martay Kenya, islamarkaana Dacwad ka gudbisay Kenya,

Xukumada Farmaajo, ayaa xiligan markii ay ka soo go’day Gidaar madhan islamarkaana Dacwadii ay gudbisay waxba ay usoo kordhin weyday waxaa ay door biday Xukumada Soomaaliya, in ay Safiirka Kenya, u fadhiya soomaaliya, inay Codsi lagala maarmi waa ah u dirto si uu uga gaadhsiiyo Xukumadda Uhura Kenyata.

Dawlada, U Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo markii ay dhacday Dhacdadii shantii bishan ay haboonay in ay kenya, kala hadasho arrinkaasi waxay ka door biday iyadoo is giijinasa inay Qaado talaabo kale oo ay xiligaasi u arkaayen madaxda soomaaliya,mid wax usoo kordhinasa balse ugu danbayn ay dani tidhi kenya kala hadal xaalada aad kala hadashay Qaramada Midoobe.

Ugu Danbayn Sida aanu xogta ku helayno Dacwadii ay Qarmada midoobe, u gudbisay xukumada soomaaliay,waxaa ay kala kulan tay waji gabax kadib markii Qaramada Midoobe usheegtay Dawlada soomaaliya in Hawada soomaaliya ay gacanta ugu jirto somalia, islamarkaana arrinkan uu uyaallo xalintiisa somalia iyo kenya,

 48 total views,  1 views today