600 Deg Deg Daawo:Kulan Dhexmaray Sheekh Shariif iyo Ergayga Qaramada Midoobe Ee Somalia, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Kulan Dhexmaray Sheekh Shariif iyo Ergayga Qaramada Midoobe Ee Somalia,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka kulan saacado qaatay la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ergayga uga waramay walaaca ay ka qabaan xisbiyada siyaasaddu hab dhaqanka siyaasadeed ee Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in walaaca ka sokow ay abuurayso xiiso colaadeed.

Shariif ayaa sheegay in hab dhaqanka dawladdu u dib dalka ugu celinayo ficiladii dumiyey Qaranimada dalka, loogana baahan yahay Beesha Calaamka in ay doorkooda qaataan.

Mid kamid ah ka qeybgalayaashii kulankan ayaa u sheegay Khaatumonews in qodobada laga wada hadlay ay ku jireen doorashooyinka soo socda oo ay Madasha Mucaaradku ka muujiyeen walaac xoog badan oo ah arrimaha waqtigan taagan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayey sheegeen in aysan daacad ka aheyn arrimaha doorashooyinka, sidaas oo kalena ay u aragto mucaaradka in lala dagaalamo, iyadoo hantida dawladda loo adeegsanayo oo ay walaac ka qabaan.

Ergayga gaarka ah ayaa muujiyey sidda wararku sheegayaan dareenkiisa arrimahan ku wajahan, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dawladdu in ay la timaado qorshe cad oo lagu taageero ka hor bisha November ee nagu soo beegan.

Kulamka oo ka dhacay gudaha Xaafiiska Qaramada Midowbay, intii uu socday waxaa lagu soo qaaday amaradii ay dawladda Soomaaliya xayiraada kusaartay Kismaayo, isla markaasna Shariif Sheekh Axmed laga hor istaagay, sidaas oo ay tahayna ay duulimaadyo ka dagayaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...