Waxaa goordhaweyd Garoonka diyaaradaha Garoowe, soo caga dhigatay diyaaradii ka timid Boosaaso, ee Madaxweynaha Jubaland,ka soo diray kismaayo si ay usoo qaado Weftiga Puntalnd, uga qeyb galaaya caleema saarka Madaxwyne Axmed Madoobe,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Diyaaradan oo Boosaaso, ka soo qaaday Madaxweyne Deni ayaa Qorshuhu ahaa in ay Garoowe, ka sii qaado wefti kale oo U hogaaminaayo Cabdiraxaman Faroole.
Wararka haatan soo gaadhaya shabakadda khaatumo News, ayaa sheegaya in Safarkaasi dib udhacay kadib markii uu duulmaadka Kismaayo ee Diyaaradu xiliga ay ka dagayso uu ku beegmay xili habeen ah waxaa la baajiyay safarkaasi oo bari Laga dhugay.
Diyaaraddan oo soo caga dhigatay Garoowe 3:30 Galabnimo ayaa kismaayo, ku Dagilahayd hadii ay xiligaasi duusho 6:30 Makhribo xiligaasi oo habeen ah.
Kismaayo oo muddo sadex saac iyo dheeraad ah ay diyaaraddu usocoto ayaa madaxweyne Deni iyo Weftiguusu isla garten in Diyaaraddu caawa hoyato Islamarkaana Bari Ay Caga dhigato Kismaayo.
