Deg Deg:Maxay Garaad Jaamac Kala Hadlen Weftii Ka Socday Jabhada Ogadeniya,( JWXO)

Waxaa Xalay oo Arbaco ahay kulan gaar ah Magaalada Saaxdheer ee gobolka sool, ku yeeshay Madax Katirsan Jabhada Ogadeniya Ee ONLF, iyo Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

Kulankan oo Ka dhacay qasriga Garaadka ee Magaalada Saaxdheer ayaa ahaa mid muhiim ah oo Garaadka iyo madaxdu ay si waafi ah isugu xogwaraysteen.

Madaxda Ka socota Jabhada Ogadeniya, Ee ( JWXO) oo uu hogaaminayo Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim ayaa Garaadka uga warbixiyay marxalada guud iyo hadafka JWXO oo ah mid ku qotoma wada tashi iyo is ixtiraam.

Sidoo kale madaxda Ogadeniya, ayaa Garaadka usheegay in uu dhawaan magaalada Godey, ka qabsoomi doono shirwaynihii umada kaas oo wax garadka wadankuna ay kasoo qayb gali doonaan.

Garaadka ayaa dhankiisa sifiican usoo dhaweeyay hadafka JOWXO iyo shirwaynaha lagu wado in uu dhawaan qabsoomo hadii Alle Idmo.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si farxad leh ku dhamaaday kulankii Garaadka iyo madaxda JWXO dhex maray.

Si kastaba ha Ahaate,waxaa socda dadaallo lagu xoojinaayo xidhiidhka ogadeniya, iyo Gobolada SSC, Islamarkaana loo samayn lahaa wada shaqayn iyo isbahaysi xoogan