Dawlada Fadaraalka soomaaliya, ayaa Shaacisay inay Fasaxday Guud ahaan Duulimaadyadii Siyaasiyiinta Muqdisho, ku sugan ku Tagi lahaayen Magaalada Kismaayo,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Dawlada oo ku Guul dareeysatay Inay Hakiso Duulimaadyada kale Ee Kismaayo sida Duulimaadyada Nairobi, Kismaayo.+Kismaayo Garoowe ,Kismaayo+ Dubay Kismaayo,Adis ababa kismaayo, ayaa garowsaday inaysan Godob gaar ah Ka galin Siyaasiyiinta Xamar ku sugan,

Wararkii u dambeeyey oo aan helnay hadda ayaa sheegaya in ay Xukuumadda Soomaaliya sheegtay in cid kasta aadi karto magaalada Kismaayo, waxaana la qaaday gabi ahaanba sharuudaha lagu soo rogay duulimaad diyaaradaha, sidda waxaan kasoo xiganay Sarkaal sare oo katirsan Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre ayaa saacad ka hor yeeshay ayaa isku afgartay in aan waxba laga qaban karin xaaladdaha Jubbaland, sidaas awgeedna ay tahay in lasii daayo.

Ugu Danbayn Duulimaadyada diyaaradaha ayaa awal lagu soo rogay in aysan qaadi karin siyaasiinta Soomaalida, balse xiligan oo ay Jubbaland adeegsanayso duulimaadyo gaar ah ayay fasaxday dawladda Faderaalka.