War Deg Deg Ah:Kulan Dhexmaray Wasiiro Ka Socda Dawladda Somalia iyo Madaxweyne Deni Oo Fashil Ku Dhamaaday iyo Qodobo La Isku Mari Waayay,

Boosaaso{ Khaatumonews }Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Boosaaso, Koox wasiiro ah oo ka socda xukumadda Madaxweyne Farmaajo, kuwaaso kulan la qaatay madaxwyenaha puntland Siciid Cabdilaahi Deni.

Wasiirada, ka socda Xukumadda Fadaraalka soomaaliya, oo gaadhaya ilaa shan wasiir ayaa waxa kamid ah wasiirka,Kaluumaysiga,wasiirka Qorshaynta wasiirka, Arrimaha dibadda iyo Wasiiro kale,

Weftigan oo ka socda xukumadda soomaaliya, ayaa qorshaha ay usocdeen waxaa kamid ahaa in madaxweynaha Puntland, Deni, ay kala hadlan Xiisada Puntland iyo Dawlada Fadaraalka, islamarkaana ay ku qanciyan Deni, qodobo ay kamid tahay in uusan ka qeyb galin caleema saarka madaxweynaha jubaland.

Sidoo kale waxay taas Badelkeeda sheegan in xukumaddu siinayso hadii Deni joojiyo ka qeyb galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, 10 Milyan oo Dollar, islamarkaana Bilkasa la siin Doono dhaqaalle toos ah iyo Mashaariic Xukumada puntland,

Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni, ayaa diiday dhamaan Qodobadii Ay Soo Bandhigen Wasiirada ka socda Xukumada Farmaajo, waxuuna u sheegay in wixii sharciyan ah in ay kala hadli karan laakiinse wax kooxi isku bahaysatay uusan ku Qancayn

Ugu Danbayn Kulanka ayaa ku Soo dhamaday fashil iyo kala kac waxaana madaxweyne Deni cadeeyay in Uu tagaayo caleema saarka Axmed madoobe, islamarkaana Dawlada Soomaaliya, ay ku khasban tahay in ay la Hadasho Axmed madoobe iyo Puntland si cad oo aan lahayn Dhuumalaysi,

Lasoco Wixii soo Kordha Khaatumonews.com