Dawlada Soomaaliya Oo Is Dabartay Fashilka Ficillo Isxigay 48-Saac Ee Ugu Danbeyay+Jaah Weerarka shacabka oo Isna Aan Lahayn Tirro.

Xukumadda Fadaraalka soomaaliya, oo Ku Wareertay Diyaaradii ka soo Duushay kenya, ee maamulka Jubaland, sheegtay in uu soo iibsatay islamarkaana jabisay Difaaci, Hawada, ee xukumadda soomaaliya, Ayaa sababtay in fashil aan lahayn soo dabar Go’ ay xukamadda Soomaaliya Ka dhaxasho.

Dawlada Soomaaliya, oo shacabka Taageerayasha, u ah dhagaha ugu riday in ay leedahay awood ay ku xakamayso Hawada, soomaaliya, ayaa mar Qudha shacabku waxay ku war heleen Diyaarado, iska mushaaxaya Hawada, oo ka dagaaya Jubaland-tii la Cunaqabateeyay,

Taasi waxay keentay In Awoodii dawlada ee dhanka Hawada, ay beenowdo waxayna taas badelkeeda, xukumadda soomaaliya, qaaday talaabooyin kale oo fashil ku sii riday balse iyadu islahayd ku qanci shacabka oo iskaga Maydh Ceebaha dhanka Hawada, ee jubaland, sababtay.

Xukumadda soomaaliya, isla habeenkiiba waxay Dacwad u gudbisay Qaramda Midoobe, iyadoo Dacwada ku eedaysay kenya, inay Ku soo xadgudubtay Hawada soomaaliya, islamarkaana diyaarad kasoo duushay Nairobi, ay bilaa Amar uga dagtay Kismaayo,

Talaabadii xigtay ee xukumadda soomaaliya, qaado ayaa ahayd in xalay mar kale xukumaddu isku midaamisay shirkadda Jubba Airways,islamarkaana ay sheegtay in shirkadda Jubba Airways.  lug ku lahayd Diyaaradii ka dagtay kismaayo. kadibna ay dawladu kala laabatay Diyaaradda Jubba Airways, Ruqsaddii,

Maantana mar kale waxay xukumaddu sheegtay in Jubba Airways, .laga qaaday xayiraadii loona soo ceshay Ruqsaddii islamarkaana Jubba Airways,  ., ay Dacwad ka gudbisay diyaaradii soo fadhisatay Kismaayo,.

Tolow yay Jubba Airways  U Dacwootay oo Dawladu Ku Qanacday?

waxaa cad in xukumadda soomaaliya, ay si lama filan ah ugu kuftay Jubba Airways,  islamarkaana ay ogaatay in aysan Jubba Airways,  shaqo kulahayn duulimaadkii kismaayo, kadibna ay soo bandhigtay wax ay kaga qaato go aankii ay kula kuftay Jubba Airways,  islamarkaana ay dawladu na barto oo dhahdo Jubba Airways,  ayaa Dacwad ka Gudbisay diyaaradi aysan Dawladu ka hayn wax Xog ah,

Waxay rabta xukamudu in ay mar inagu qanciso inay kenya, ka gudbisay Dacwad mar kale waxay rabta inay Inagu Qanciso in Jubba Airways,  ay maxkamda sare ee kenya u gudbisay Dacwad ka dhan ah Diyaaradii timid kismaayo.

Is Waafaji Diyaarada Marna Qaramada Midoobe, looga Dacwadooy Marna Maxkamada sare Kenya?

Ugu Danbayn Shacabku waa ku jaah wareeray waraaqaha iyo Go aamada isku yaacsan ee ka soo baxaya Dawlada soomaaliya

Xafiiska Khaatumo News Kala Soo Xirir What’s ap Numberkan +46735769421