Deg Deg:Muuse Biix Oo Labo Shuruud Ku Xidhay Jabhada Caare,

Madaxwaynaha maamulka Somaliland iyo Guddida Beelaha Garxajis oo Kulan ku yeeshay Madaxtooyada maamulkaasi Somaliland, ayaa waxa Heshiis laga gaadhay Arrintii Korneyl Caarre.

Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey ciidanka la socda korneyl Caarre ee kusugan beeraleyda gobolka Sanaag .


Sidoo kale Muuse Biixi, ayaa laba shuruudood ku xidhey cafiska Caare.
Kuwaasoo ilawareedyo lagu kalsoonaan karo sheegayaan

1: Inuu dalka dibada uga baxo Caare soona dalbado cafis mudo kadib .
2: inuu intaa kadib imaado taliska guud ee ciidanka ee magaalada Hargeysa.

Cafiska iyo qodobadan kulamaan ayaa yimid kadib markii saaka Hargeysa uu ka furmay kulan udhaxeeya Muuse Biixi iyo xubno kamida golaha wasiirada oo dhinac ah iyo xubnihii kujiray dhex dhexaadinta ee uu hogaaminayay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani.

Warkan Goor dhaw La soco, Oo Ku Xidhnow. Khaatumonews.com