dahabshiil

Deg Deg:Dawladda Somalia Oo Qorshe Qosol iyo yaab leh Shaacisay Arrinta Jubaland”Is Doorasho kale iyo Waxaan Horaba Loo Arag,

Muqdisho{ Khaatumonews }Dawladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa caawa shaacisay in Ay soo saartay qorshe lagu Soo dhisaayo Barlamaanka 2 aad ee dawlad goboleedka jubaland iyo madaxweynaha jubaland.

Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay soo saartay Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019.

Sida ku cad qoraalkan dawlada soomaaliya, waxay sheegaysa inay qabanaso Doorashada hor leh,

Qorshahan xukumada Fadaraalka soomaaliya, Soo Bandhigtay ayaa la yaab ku noqday bulshada soomaaliyeed.taaso ay la yaaben in xukumadu iyana dhankeeda isku caano shubto islamarkaana ku dhawaaqdo barlamaan iyo madaxweyne Ay gacanteeda ku soo samaysanayso,.

Waxaa is weydiin mudan Xukumada Soomaaliya,Jubalandta, ay dhisayso Xagee saldhig u noqondoonta Ma-Geddo, mise Muqdisho, xageese doorashadu ka dhacaysa waxaa xasuus mudan in Caasimada jubaland ee Bu ‘alle ay gacanta ku hayaan ALshabaab. Magaaladii labaad ee ugu miisaanka cuslayd iyo deegaano badan oo kamid ah Gedana uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo is weydiin mudan dawlada fadaraalka soomaaliya, mar hadii ay ku diiday Doorashadii Kismaayo, ee Axmed madoobe, waxaa uu Qabtay doorasho aan loo dhamayn sidee ayay iyadu ugu fikirta, in ay qabato doorasho beesha caalamka iyo soomaaliba, og tahay in aan loo dhamayn oo maamul kale ka dhisan yahay kismaayo.

Aqoonyahanada Falanqeeya siyaasada, ayaa sidoo kale su all iska weydiinaya qorshahan dawladu wado ee ah in ay maamul kale ka dhinac dhisto Axmed madoobe, ma waxaa uu u yahay guul dawlada mise waxaa ay sii xoojinayaan Xidhiidhka Axmed Madoobe iyo Kenya,

Dhanka kale dadka siyaasada Adorosa, ayaa leh dawladu waxaa ay dagaal u galaysa kaliya in dorashada 2020, ay iyadoo soo xusho barlamaanka jubaland ka imaanaya balse qorshe kale oo ay ka leedahay Dhismaha kooxdan cusub ee ay yado soo carbinaso majiro.

Ugu danbayn Madaxweyne Farmaajo, Hadii u Qorshahan Fudeedku ku jiro Ku Dhawaaqo sii hir galintiisa, waxaa xasuus mudnaan doonta in Jubaland-ta hada kismaayo, Fadhida iyo Xukumada Nayrobi, ay yeelan doonaan xidhiidh ka awood badan kii hore islamarkaana Dalku halis Ka weyn mida haatan uu ku jiro uu sii muquuri doono.

La soco Wixii Soo kordha Shabakada Khaatumonews.com

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=18054

Posted by on Oct 6 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841