
Maamulka Jubbaland oo sheegtay inuu soo iibsaday Diyaarad u gaar ah iyo Wafdi ay horkacayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo KGS oo Kismaayo Gaaray
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdigan ayaa caddeeyay in Jubbaland ay yeelatay dayuurad u gaar ah oo loogu talo galay iney Kismaayo geyso wufuuda ka qeyb galaysa caleemo saarka.
“Waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, Madaxweyne Farmaajo waxaan ka rajeynayaa inuu noogu soo hambalyeeyo diyaaraddan ay leedahay Jubbaland” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisu u muuqday mid jees jees ah.
Ugu Danbayn Maamulka Jubaland, ayaa Diyaaradan ka soo iibsaday dalka koonfurta Sudan, waxaana ku baxday ku dhowaad 3 milyan oo dollar,

53 total views, 2 views today