Deg Deg Daawo:Cabdikariim Guuleed iyo Shariif Xasan Oo Gaadhay Kismaayo

Goordhowayd waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi ballaaran kuwaas oo ka qayb gali doona caleema saarka Madaxweyaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wafdigaan oo soo raacay diyaarad gaar ah oo si toos ah uga timaaday Magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo

Wafdigan soo gaaray ayaa ka kooban 40 Xildhibaan oo ka mid ah labada golle ee Baarlamaanka DFS,Madax hore oo uu ka mid yahay Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur-Galbeed Cabdkariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan oo la sheegay inay soo iibsatay Maamulka Jubbaland ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaddib markii dowladda Federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan qaadi karin siyaasiyiinta aadaya Kismaayo.

Sidoo kale wafdigan soo caga dhigtay waxaa ka mid ah siyaasiyiin caan ka ah gayiga Soomaalida waxaana soo dhaweeyay labada Madaxweyne ku xigeen ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,Gollaha Wakiilada Jubbaland iyo dadweyne fara badan.

Goordhow Halkan kala soco wararkaas oo faahfaahsan