Maxkamadda ICJ Oo Qarka U Saaran Inay Somalida Ku Gawracan Go aankeeda ay Ku Qalibto.

Waxaa aad looga Cabsi qaba oo waliba Dadka aqoonyahanada soomalida ahi ay aad uga Walaacsan yihin Dhabar jab weyn oo soomaalida kaga imaan kara Maxkamadda ICJ.

Sida ay hore u go’aamisey maxkamada ICJ dacwada Kenya & Soomaaliya waxaa lagu balansanaa 4 November 2019, balse Kenya ma aqbalin dhawr mar ayay ka codsadeen maxkamada ICJ in dib loogu dhigo dacwada Badda Islamarkaana la siiyo hal sano , arinkaasi Dowlada Soomaaliya waa ka diideen in dib loo dhigo .

Madaama warqado la is dhaafsiisanayay Kenya & ICJ , ICJ & Somalia oo arinkaasi laga heshiin waayay labada dal .

Maxkamada ICJ waxay Shalay iskugu yeertey labada dal Soomaaliya & Kenya , si xal looga gaaro dacwada loo balansan yahey 04/11/2019 madaama Kenya codsatey in dib loogu dhigo, halka Soomaaliya ku adkeysaneyso lagu kale baxo xiliga loo balansanaa.

Hadaba Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa ka digay In Maxkamada ICJ , Ay Qaado Talaabo Dhabar Jab ku ah Soomaaliya,

Waxgaradka iyo Dadka Aqoonta U Leh Arrimahan ayaa Sheegay in Maxkamadu ay Aad ula Safan tahay Kenya, islamarkaana u dhago NugushahayKenya, Sababto ah marka la eego Sida ay Markasta Maxkamdu u Tixgalinaso Codsiyada iyo Diidmada kenya.

Ugu Danbayn Masuliyiintan iyo Aqoonyahana Soomaaliyee gaar ahaan Axmed Cali Sayid. Oo Ku nool Dalka Canada, ayaa Ka digay in Ay socdaan qorshayaal Maxkamadu ay ku Garab siinayso Kenya, islamarkaana soomaalidan ay kaga dhagtay waxaanu Ku Gawracanay Maxkamada ICJ , inay Ku Qalibto Ama ku foorariso Go aanka.