600 War Deg Deg Ah::Gudoomiyihii Mucaaridka Jubaland Oo Dhaawac U Dhintay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::Gudoomiyihii Mucaaridka Jubaland Oo Dhaawac U Dhintay,

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho.

Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, 13-kii September, halkaasi oo ay dhaawca ugu gaysteen.

Geerida Qalyar ayaa waxaa xaqiijiyey Cabdirashiid Xidig oo xildhibaan ka tirsan Jubaland, sidoo kalena sheegta madaxweynaha Jubaland.

“Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo, garyaqaan Axmed Jaamac Mohamud (Qalyar)
oo subaxnimadii hore ee saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayuu Xidig ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Illaa iyo hadda gacanta laguma soo dhigin dadkii dilay Qalyar. Mucaaradka Jubaland ee Xidig uu ku jira waxay ku eedeeyeen Axmed Madoobe, halka mamaulka Axmed Madoobe uu sheegay inuu baarayo kooxdii gaysatay falkan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...