600 Deg Deg Daawo:MD Axmed Madoobe Arrimo Culus Ka Hadlay. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:MD Axmed Madoobe Arrimo Culus Ka Hadlay.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada maamulkaasi waxaana ugu horayn lagaga hadlay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golahu uu amaanay dadaalka Hay’adaha amaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa golahu uu ka dooday dardar galinta adeegyada garsoorka iyada oo Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka ay ka warbixisay hanaanka dib u dhiska Xabsiyada Jubbaland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo oo dhismahiisu uu dhawaan bilaabanayo isla markana lacagtii ku bixi lahayd la diyaariyay.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in Waxbarasho dibada ah dhawaan loo dirayo 12 Arday oo soo baranaysa sharciga iyo arimaha garsoorka iyadoo kuwo Waxbarashada soo dhamaystayna ay dib ugu soo noqonayaan Jubbaland dhawaan.

Wasaarada Xanaanada xoolaha ayaa laga dhagaystay Warbixin ku saabsan hanaanka talaalka xoolaha nool oo maraysa meel wanaagsan isla markana hada uu socdo talaalka in ka badan Sideed Milyan oo xoolo nool ah kuwaas oo laga hirgalinayo dhamaan deegaanada Jubbaland.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen hanaanka biyo galinta Magaalada Kismaayo iyo gaadhsiinta biyaha nadiifta ah deegaano kale oo katirsan Jubbaland waxaana howsha biyo galinta Magaalada Kismaayo ay marayso gaba gabo.

Golaha Xukuumada Jubbaland waxaa ay sidoo kale kulankooda maanta kaga hadleen tayada shidaalka laga isticmaalo deegaanada Jubbaland iyadoo marar qaar ay sababto in ay xumaadan gawaarida cilado ka jira tayada shidaalka darteed Xukuumadu waxaa ay soo jeedisay in aad loo hubiyo tayada shidaalka ay soo iibsanayaan dadka ree Jubbaland.

Adeegyada korantada ayaa sidoo kale golahu uu ka dooday saamaynta ka dhasha qalabka ay shirkadaha korantada isticmaalan oo khatar ku ah bad qabka Bulshada waxaana golahu uu isku raacay in tayada agabka ay shirkadahu isticmaalan ay noqdaan kuwo la hubiyay oo wixii dhibaato ah oo kasoo gaadha dadka shacabka ah ay qaadayaan shirkadaha korantada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...