600 Deg Deg::Safiirka Mareykanka Oo Shirkii Muqdisho Ka Cadeeyay In Uu yahay Shir Aan loo Dhamayn, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Safiirka Mareykanka Oo Shirkii Muqdisho Ka Cadeeyay In Uu yahay Shir Aan loo Dhamayn,

Muqdisho{ Khaatumonews }Ambassador Donal Yamamoto oo ah Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliyaoo oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya  ayaa shuruud adag ku xiray taageerada Dowladda Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay dalka ku maamusho Siyaasad loo dhan yahay si uu dalka horey ugu sii socdo.

Mar uu soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbalanad ayaa ku celceliyey inay lagama maarmaan tahay inay Dowladda Soomaaliya dalka ku maamusho siyaasad loo dhan yahay wax walbana lagu xaliyo wadahadal.

Safiirka oo ka hadlayey qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayuu sheegay inaysan taas kaliya ku xirneen dhaqaale wanaag balse ay sidoo kale ku xiran tahay in la helo siyaasad loo dhan yahay oo dalka ka hana qaado.

Wuxuu tilmaamay in taageerada Dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya ay ku xiran tahay in la helo siyaasad loo dhan yahay khilaafka jirana la xaliyo sida ugu dhow iyo qaabka ugu fudud.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland Somaliland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...