600 Deg Deg:Akhriso Warqad Uu Toos Madaxweyne Axmed Madoobe Ugu Diray Farmaajo+Fashilka Casuumadii Shirqoolku Ku Duugna, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Akhriso Warqad Uu Toos Madaxweyne Axmed Madoobe Ugu Diray Farmaajo+Fashilka Casuumadii Shirqoolku Ku Duugna,

War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa looga hadlay shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo mowqifka uu ka taaganyahay maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka oo lagu cadeeyay in ay ogyihiin Ra’iisul Wasaare Kheyre, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu socod siiyay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Axmed Madoobe uu uga cudur-daartay casuumaad uu sheegay in ay uga timid madaxweyne Farmaajo.

Waxaa lagu sheegay qoraalka Jubbaland in madaxweynaha Jubbaland uu Farmaajo uga mahad celinayo marti qaadkiisa ku aadan kasoo qeyb galka shirka ka socda Muqdisho, iyadoo war-saxaafadeedka lagu cadeeyay todoba qodob oo ay Jubbaland ku diidayso ka qeyb galka shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya.

Todobada qodob oo ay sheegtay Jubbaland in ay u cuskaneyso diidmada ka qeyb galkeeda shirka ayaa kala ah:

1 – Shuruucdii dalka u taalay oo si barer ah loogu tumanayo.

2 – Ka tala geli la’aan dhanka Ajandaha ah iyo doorkii maamul goboleedyada oo maqan, taas oo ay eheyd in laga wada shaqeeyo inta aan la gaarin waqtiga shirka.

3 – Wada shaqeyn la’aan wiiqday howlihii dalka iyo laamaha heerarka kala duwan ee dowladnimada dalka.

4 – Iyadoo shirkii Brussels qodobadii kasoo baxay aan wali la fulin, aysana sax aheyn shirar aan go’aamadooda la fulineyn.

5 – Hoggaanka sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku fashilmay isku wadida dadka iyo dalka, lumiyayna kalsoonidii saamileydii siyaasadda.

6 – Jiritaan la’aan golayaal lagu lafaguro arimaha masiiriga ah ee dalka.

7 – Iyadoo aanay jirin hey’adihii awooda u lahaa kala saaridda wixii xeerar ah ee la isku qabsado sida maxkamadda dastuuriga ah ee dalka.

“Sidaa darted mudane madaxweyne, maadaama ay jiraan sababaha kor ku xusan isla markaana aan marar badan ka dignay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii aan xal loo helin arimahaas, waxaa nasiib darro ah in maanta ay saameyn toodu muuqato”ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka caawa kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...