Deg Deg Daawo::DENI Muxuu ka yidhi Shirka Muqdisho,

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta uu maamulkiisa u qaadacay shirka madasha iskaashiga ee ka socda magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Siciid Deni ayaa sababta ay Puntland uga qeyb geli weysay shirkaasi ku sheegay in aan laga talo gelin, islamarkaana ay ajandaha shirka ku arkeeyn kaliya baraha bulshada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka war hayaan Warsaxaafadeedka laga soo saari doono shirkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in maamulkiis uu diyaar u yahay wadahadal.

“Waxaan fahmayaa in dada aan wax ka ogeyn waxa jira ay aqbalaan wixii loo sheego,waxaan diyaar u nahay inaan dowladda federaalka la furno wada-hadallo Toos loo daawado si Bulshada u ogaato wixii aan isku heyno loona xaliyo ayuu yiri.” DENI,

 50 total views,  1 views today