Fashilka Ku Xeeran Shirka Muqdisho 11 Gobol Oo Maqan iyo 7 Gobol Oo Fadhiya,

Waxaa markii ugu horey caasimada Soomaaliya, Muqdihso, Ka dhacay Shir ay ka soo qeyb galen in ka badan Wakiilo ka socda 50 Dawladood, oo looga hadlaayo xaalada Soomaaliya,

Shirkan waxaa la rabay in ugu yaraan sadex meelood labo meelood ay fadhiyan Maamulada Gobolada Dalka, islamarkaana si loo muujiyo Rajada Soomaaliya, ee Horu usocodka dawladnimo balse taasi maysan dhicin sabab la xidhiidha Siyaasada Xukumadda Farmaajo Aawadeed ah,

Shirkan waxaa fadhiya Xukumadda Farmaajo, iyo Maamulada Koonfur Galbeed Hirshabeelle iyo Galmudug, oo isku Gayn Xukuma Todobo Gobol,

Dhanka kale waxaa shirkan maqan Maamulada Puntland. Somaliland ,Jubaland oo isku gayn iyana xukuma 11 Gobol,

Hadaba Fashilkan Hadheeyay shirkan waxaa uu muujinaya Heerka hoose ee Awooda gudaha soomaaliya ay Ku leedahay Xukumadda Farmaajo, iyo In dalkani maalinba maalinta ka danbaysa sii kala googo Aayo,

Xukumadihii ka horeeyay Xukumadda Farmaajo, Shirarka soomaaliya loo qabanaayo kaliya waxaa ka maqnaan jiray maamulka somaliland, halka ay inta kale xaadir ahaan jiren balse taasi waxay muujina sii kala firxadka ka dhacay Sadexdii sane Xukumadda Farmaajo Talada Dalka Haysay,

Isku soowada duubo Dad badani waxay is weydiinayan Tolow maxay noqonaysa Rajada Xukumadda nabad iyo Nolol Marhadiiba Dalkii ay Ka hayso 7 Gobol oo aysan hayn in ka Badan 11 Gobol 18 Gobol ee dalka kamid ahaa,

 47 total views,  2 views today