Deg Deg Daawo:Dawladda Jabuuti Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadalkii Faysal Cali Waraabe.

Wakiilka waddanka Jabuuti u jooga Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Jabuuti iska celinayso Eng Faysal Cali Waraabe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland iyo Jabuuti balse Faysal, kala dilayo.

Wakiilka Jabuuti ayaa sheegay in Somaliland ay ka sugayaan jawaab cad.

Faysal, ayaa shalay ku eedeeyay madaxweyne Geelle, in aanu dhexdhexaad ka ahayn wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo uu la jiro Soomaaliya