600 Deg Deg Daawo::Sucuudiga Oo Diiday Inay Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoonto Safiir Uu Farmaajo U Magacaabay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo::Sucuudiga Oo Diiday Inay Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoonto Safiir Uu Farmaajo U Magacaabay

Dawlada Boqortooyada Sucuudiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka diiday safiir uu u magacaabay inuu u fadhiyo Sucuudiga Mr. Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay in diidmada Sucuudigu la xidhiidho tuhun ay ka qabto in safiirkani xidhiidh wada shaqayneed la leeyahay dalka Qatar oo ay xiisadi ka dhaxayso Sucuudiga.

Sharciga Geneva ee Diblomaasiyada ayaa dhigaya in saddex bilood gudahood safiirka aan laga guddoomin waraaqihiisa aqoonsigu ay ka dhigantahay in la diiday.

Farmaajo ayaa safiirkan wuxuu magacaabay 29 May, isagoo ahaa wasiirkul dawlihii diinta iyo awqaafta, waxaanay Soomaaliya waraaqihiisa aqoonsiga gudbisay 15 June, waxaanay saddexda bilood ee xeerka Geneva dhigayaa ay ku eekayd 15 September, waxaana muuqata in Sucuudigu hoos u dhigay safiirkan ay Soomaaliya magacowday.

Warbaahinta Sacudigu waxay diidmada Sucuudiga ku sababaysay xidhiidh uu safiirkani la leeyahay dalka Qatar.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...