Warbixin::-Maxaa Sabab U Ah In Tuke, Fiqi iyo Ina Cabdi Shakuur Ku Dhiiradan Iyagoo leh Caydiid.Suudi.Qeyb-diid,

Cabdi qeybdiid, oo kamid ahaa Qabqablayaashi Ka dagaalami jiray Dalka Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta, islamarkaana Boqolaal qof Laayay waxaa Abaal Marin tolkiis uga dhigay in uu madaxweyne Ka noqdo Galmudug,Kadib Dawladda Fadaraalka uu ka noqdo Xildhibaan.

Muuse Suudi Yaxalow, isna waxaa uu kamid ahaa saraakiishi ku soo caan Baxday Dagaaladii sokeeye, si lamid ah sidii cabdi qeybdiid, ayuu dad badan Ku laayay Gobolada Koonfurta Soomaaliya,waxaana lagu Abaal mariyay Xil Heer Fadaraal ah.

Janaraal Caydiid oo isna xasuuqyo badan Ka geestay Kismaayo.iyo gobolo badan oo dalka kamid ah waxaa uu ka qoran yahay Muqdisho, Halyeey Qaran.

Hadaba In Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Sanbalooshe ay ugu yeedhan Tuke, Danbiie miyaysan Dow ahayn mar hadii Kuwii Ay isku Jifida ahaayen Ka dhigteen Dheeman laguna Abaal Mariyay xil.

Kornayl Tuke, maanta haduu Joogilaha laascaanood, oo leh Maamul Madax Banaan islamarkaana uu Haysan lahaa Dhulbahante oo isku Duuban Looguma yeedhen Danbiile, oo waliba Hawiye, uguma yeedhen laakiin in Kuwo aadan Danbi, ka galin ay ku Gula Soo dhiiradan waxaa tahay Danbiile. waxay Muujinasa Heerka hooseeye ee aad Taagan tahay deegaan ahaan iyo Umad ahaanba.

Siyaasiyiinta Isaaq iyo kuwan hawiye, ee hada ku biiray ee sheega in Tuke, xasuuqay isaaq, kuma dhacan Inay Janaraal Moorgan, Ugu yeedhan Danbiille, ama ay Si cad usoo Weeraran sababto ah Moorgan, wuxuu haysta maamul, iyo Deegaan midaysan laakiinse tuke, maamul iyo Deegaan Midaysan Midna malaha waana sababta cidkasta ugu soo dhiirano inay ugu yeedho danbiile.

Hadaba Mar haday xaaladu halkaas marayso Danbiga ma inaga Iska leh Reer SSC, ahaan Mise Kuwa Hada Inagu yeedhaya Danbilayaasha sida Fiqi iyo Ina Cabdi Shakuur,

Ugu Danbayn Waxay ila tahay in Eeddu tahay Dusheena oo sababto ah maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Fiqi Kumaysan Dhiiraden Tuke, hadii Dad Midaysan Oo Muuqda Ay Ku Og yihiin SSC,

KHAATUMONEWS.COM