Farmaajo Oo Dagdag Uga Laabtay Go aankii Uu Ku Xanibay Diyaaradaha Kismaayo.

Xukumadda Farmaajo, ayaa caawa ku dhowaaqday inay si rasmi ah u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay.

Xukumadda U Hogaamiyo Farmaajo, ayaa Cadaadis Xoogan kala Kulan tahay Go aankii Indho Beelnimada ahaa ee Ay Ku Xayiren Duulimaadyadda Rayidka ee Kismaayo, iyo Muqdisho,

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta Ku Hadasha afka Villa soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo, sida uu yiri.

Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.